Muxuu usoo fasixi la’yahay Afwerki Dhalinyaradii Fahad u diray Eritrea?

Xasan Sheekh ayaa ka sheegay madasha su’aallo waydiinta ah in Afwerki sababta uu u haysto Ciidanka Soomaalida ay tahay inuu la sugayo inta dalka uu ka xasilayo, islamarkaana laga gudbayo kala-guurka.

Warar Keydmedia Online
Muxuu usoo fasixi la’yahay Afwerki Dhalinyaradii Fahad u diray Eritrea?

WASHINGTON, USA – Isagaa ka hadlayay Machadka CSISI ee fadhigiisu yahay Washington, ayuu Xasan Sheekh shaaca ka qaadey hal sabab oo keentay in Eritrea diido in lasoo celiyo 5,000 oo askar Soomaali ah oo dalkeeda lagu tababarey 2019-2020.

Madaxweynaha ayaa sheegay in markii uu booqdey Asmara bishii July ee sanadkan uu Afwerki kala hadlay soo celinta dhalinyarada la qalday ee Fahad Yaasiin sida qarsoodida ah ugu diray dal go’doon ah.

Xasan Sheekh ayaa ka sheegay madasha su’aallo waydiinta ah in Afwerki sababta uu u haysto Ciidanka Soomaalida ay tahay inuu la sugayo inta dalka uu ka xasilayo, islamarkaana laga gudbayo kala-guurka.

Maadaama xaalad kacsanaan ah iyo xiisad ka dhashay doorashadii uu afduubey Farmaajo, ayuu Afwerki diiday in hadii Ciidanka uu dalkiisa tababarey kusoo daadiyo Muqdisho loo adeegsan karo dagaal qabiil.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in hadda uu waydiistay dowladda Mareykanka inay ka caawiso soo celinta askarta, oo uu rajeynayo inay ka qeyb qaataan dagaalka dalka looga saarayo Kooxda Al-Shabaab.

Mar la waydiiyay su’aal ahayd maxaad dalka xayiraad saaran, oo ka jiro kaligii-talis aad ugu dirteen dhalinyaradiina tababar Ciidan inay kusoo qaataan, ayuu Xasan Sheekh ku jawaabey: “Hadii oon ku hayo, qofkii koob biyo ah ku siiyaa waa saaxiibkaa”.

Tani ayaa ka dhigan in Eritrea ay danta ku qasabtay dowladdii Farmaajo inay u dirto dhlinyaradda, kuwaasoo la waysanaa mudo labo sano ah, illaa warkooda kasoo ifbaxay markii uu billowday dagaalkii Tigray oo QM sheegtay inay ka qeyb qaateen, inkastoo dowladii hore ay warkaas beenisay.

Fahad Yaasiin ayaa la leh Afwerki xiriir aas-aasmay xiligii Maxaakiimta Islaamiga 2006-2007, oo hub ka heli jirtay Eritrea, maadaama dagaal kula jireen cadowgeeda Itoobiya, oo xiligaas ka talinayay RW Meles Zenawi, oo Tigree ahaa.

Xiriirkan ayaa keenay in Fahad uu kumanaanka dhalinyarada ah oo lagu qalday shaqo dalka Qatar inuu u diro Eritrea, halkaasoo ku galeen tababar qasab ah, oo qaar ay ku dhinteen, kuwana ku dhaawacmay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.