Muxuu Wasiir Fiqi ku soo arkay Villa Somalia?

Wuxuu xusay inuu Madaxtooyada ku soo arky dhallinyaro Tiktok-ley caan ah oo laga casuumay dhanka kooxda xilka wareejinayey, taasoo uu ku macneeyay in oohinta Tiktok-gu aysan ahayn jaceyl ee ay tahay oohin gacan ku samays ah.

Warar Keydmedia Online
Muxuu Wasiir Fiqi ku soo arkay Villa Somalia?

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug, Axmed Macallin Fiqi, oo muddo dheer kadib shalay dib ugu laabtay, Madaxtooyada Soomaaliya, oo ay ka dhacaysay xaflad ay xilka kula kala wareegayeen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu afar arrin ku soo arkay Villa Somalia.

Fiqi, oo xubin ka ahaa Baarlamaankii 10-aad, isla-markaana si weyn kaga soo hor jeeday, hannaankii siyaasadeed, ee ay wax ku wadeen Kooxda Farmaajo, ayaa tilmaamay in farataag-taaggii siyaasadeed iyo cabburintii warbaahinta ay meesha ka baxeen, halka uu ka marqaadi kacay in baroorta gacan ku sameyka ah ee TikTok si weyn loo maalgaliyay.

1 - Fiqi, wuxuu sheegay in hawl-wadeennadii, shaqaalihii iyo askarta Madaxtooyadu aad ugu faraxsanaayeen isbedelka dhacay iyo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu la wareego xilka iyo xafiiska ugu sarreeya dalka.

2 - Warbaahinta gaarka loo leeyahay [Madaxa-bannaan], oo muddo dheer ka dib loo oggolaaday in ay Madaxtooyada ka shaqeeyaan, kuwaasoo sida uu Fiqi sheegay dhankooda aad ugu faraxsanaa in xaqii ay u lahaayeen xog-helidda dib loogu soo celiyay.

3 - Wuxuu xusay inuu Madaxtooyada ku soo arky dhallinyaro Tiktok-ley caan ah oo laga casuumay dhanka kooxda xilka wareejinayey, taasoo uu ku macneeyay in oohinta Tiktok-gu aysan ahayn jaceyl ee ay tahay oohin gacan ku samays ah.

4 - Waxuu is weydiiyay sababta saaxiibkii Farmaajo iyo ninkii ku magacownaa milkiilaha [Fahad Yaasiin] kaga maqnaa munaasabadda, yeelkeede, wuxuu gadaal iska xasuusiyay inuu dalka ka baxay xil wareejinta ka hor.

Shan sano iyo dheeraad kadib, shalay waxaa Maaxtooyada isaga huleelay, Farmaajo, halka uu Madaxweynaha cusub, shaqada ka raacdeeyay shaqsiyaadkii Villa Somalia ka falkinayay, mushkilada siyaasadeed ee muddada taagnaa.

Durba waxaa xilalkooda waayay, Fahad Yaasiin, oo ku magacaawnaa, La-taiyaha Amniga Qaranka, Maxamed Cabdullaahi Ciise, oo ku magacaawnaa Agaasimaha Madaxtooyada iyo Cabdinuur Maxameed Axmed oo ahaa Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

 KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.