Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay amiirka Qatar?

Dalkaan yar ee qaniga ku ah Gaaska ayaa si dadban gacanta ugu yahay siyaasadda Soomaaliya shantii sano ee Farmaajo dalka ka arriminayay, waxaana xusid mudan in muddadaas aan howl-gal muuqda lagu qaadin faraca Al-Qaacida ee Bariga Afrika.

Warar Keydmedia Online
Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay amiirka Qatar?

DOOXA, Soomaaliya – Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Qatar Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal dhanka qadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani.

Madaxtooyada Soomaaliya aya dhankeeda xaqiijisay in Madaxweyne Xasan la xariiray Sheekh Tamiim, hayeeshee labada dhinacba faahfaahin gaar ah kama bixin u jeedka rasmiga ahaa ee wadahadalka iyo wixii ka soo baxay is-maqalka labada masuul.

“Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani si ay uga wada xaajoodaan xiriirka labada geesoodka ah iyo sidii loo xoojin lahaa," ayay ku soo gaabisay Villa Somalia.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku guda jira taageero u raadinta dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab, kaas oo ku dhawaad Saddexdii bilood ee la soo dhaafay ka socday qaar ka mid ah gobollda Soomaaliya, gaar ahaan, Hiiraan Galgaduud iyo Sh/dhexe.

Billowgii bishaan ayay ahayd markii uu soo baxay war sheegaya in Dowladda Qatar ay dadaalkii ugu xooggana ku bixineyso sidii loo hakin lahaa howlgallada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab, isla-markaana dhinacyada la isku keeni lahaa wadahadal.

Dalkaan ku yaalla Galbeedka Aasiya oo la fahansan yahay inuu calaaqaad xooggan la leeyahay Kooxda Taliban iyo qaar ka mid ah kuwa xiriirka la leh Al-Qaacida, wuxuuna muddo waday qorshe ku aaddan in DFS ay wada-hadallo u baddesho gacan ka hadalka.

Sanadkii 2019 ayay ahayd markii Wargeyska The New York Times, uu qoray warbixin la xiriirta in qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ay ka dambaysay dowladda Qatar, si meesha looga saaro shirkadda DP-WOLD oo gacanta ku haysa dakedda Boosaaso.

2017-kii, dalal badan oo Carbeed oo ay ku jiraan Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar ayaa xiriirka diblumaasiyadeed u jaray Qatar, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto kooxaha mayalka adag, sida; kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka (IS) iyo Al-Qaacida.

Qatar waxa ay dhawaan baddeshay safiirkeedii muddada dheer ee Soomaaliya, Xasan Bin Xamse, kaas oo heebeen ka hor uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre sagootin ugu sameeyay hoygiisa maadaama ay idlaatay shaqadii uu u joogay Somaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.