KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Labada hogaamiye ayaa Khadka Taleefoonka kawada hadlay Maalintii Khamiista ee lasoo dhaafay, waxayna isla soo qaadeen arrimo kala duwan oo xoojinaya cilaaqaadka labada dal.
QAAHIRA, Masar - Dowladda Masar ayaa xoojisay xiriirka Soomaaliya xili uu khilaaf kala dhaxeeyo Itoobiya, oo ay isku hayaan biyo-xireenka webiga Nile, oo Addis Ababa ku bixisay $5 bilyan oo dollar.
Madaxweynaha Masar C/fitaax Al-Sisi ayaa Khamiistii lasoo dhaafay khadka Taleefonka wadahadal kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh, oo bishii July ku kulmeen magaaladda Qaahira.
Sida ku xusan war kasoo baxay Madaxtooyadda Masar, Al-Sisi ayaa u balan-qaadey Xasan Sheekh inuu ka taageerayo caqabadaha, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab, dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo tababarka shaqaalaha rayidka.
Sidoo kale, Al-Sisi ayaa xaqiijiyay in Masar ay diyaar u tahay in ay kor u qaado dhammaan dhinacyada iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan dhaqaalaha iyo ganacsi waxyaabaha ay soo saaraan labada dal, iyadoo canshuur dhimis lagu sameynayo.
Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar garab-istaagga xiliga loo baahnaa, isagoo xusay in uu kor u qaadayo iskaashiga arrimaha kala duwan ee gobolka Geeska Afrika.
Masar waxa ay xaqiijineysaa in ay taageereyso dadaallada dowladda cusub ee Soomaaliya ee lagu horumarinayo nabadda iyo amniga dalka, laguna ciribtirayo argagixisada si loo gaaro horumarka la hiigsanayo, loogana gudbo caqabadaha jira, loona xaqiijiyo rabitaanka dadka.
Abiy Axmed, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, oo aan xiriir wanaagsan kala dhaxaynin Al-Sisi ayaa isha ku haya cilaaqaadka sii xoogeysanaya ee Muqdisho iyo Qaahira, iyadoo Addis Ababa u aragto iskaashiga mid iyada ka dhan ah, maadaama muran ka taagan yahay biyo-xireenkeeda webiga Nile.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.