Muxuu yahay balan-qaadka RW Hamza u sameeyay Xildhibaanada?

Wuxuu sidoo kale balan-qaadey magacaabista Golle Wasiiro oo tayo leh, oo wax ka qaban kara xaaladaha adag ee ka jira dalka, sida amniga, dhaqaalaha iyo abaarta.

Warar Keydmedia Online
Muxuu yahay balan-qaadka RW Hamza u sameeyay Xildhibaanada?

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa Maanta helay codka kalsoonida Baarlamaanka Federaalka kadib magacaabistii 15-kii bishan.

Isagoo khudbad u jeediyay Baarlamaanka, Xamza ayaa u balan-qaadey Xildhibaanada inuu qaar badan oo kamid ah kusoo dari doono Gollihiisa Wasiiradda, oo dhawaan laga sugayo.

Hadalkiisa ayaa waxuu soo jiitay sacab, maadaama Xildhibaanada damac uga jiro inay Wasiiro noqdaan, taasoo ku qasabaysa inay codka kalsoonida siiyaan Ra'iisul wasaaraha.

RW Xamza ayaa sheegay inuu soo dhisayo Xukuumad tayo leh, oo wax ka qaban kara xaaladaha adag ee ka jira dalka, sida amniga, dhaqaalaha iyo abaarta, oo malaayiin qof saameysay.

Baarlamaanka ayaa la horkeeni doonaa Gollaha Wasiiradda marka la magacaabo, waxaana liiska la filayaa inay Xildhibaanno kasoo muuqdaan, kuwaasoo Xasan Sheekh u codeeyay May 15.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.