Muxuu yahay buuqa ka taagan Golaha Degaanka Baraawe?

Si guud beelaha ku hadlka afka [Maxaa-tiri], ayaa magaalada ka dhigay bannaan-baxyo waaweyn, waxayna ka soo horjeesteen Gole Degaan oo Maamulka Koofur Galbeed u sameeyay Baraawe.

Warar Keydmedia Online
Muxuu yahay buuqa ka taagan Golaha Degaanka Baraawe?

BARAAWE, Soomaaliya - Guddoommiyaha Barlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Faqi, ayaa lagu eedeeyay inuu colaad sokeeye ka hurinayo magaalo xeebedka qaddiimiga ah ee Baraawe, kadib markii uu si ula kac ah u boobay doorashada kuraasta Golaha degaanka degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dhismaha Golaha Degaanka ee Baraawe, waxaa hore u diyaariyay maamulkii Madaxweyne, Shariif Xasan Sheekh Aadan, gaar ahaan Guddoomiyihii Baarlamaankii xilligaas, Cabdulqaadir Shiikhunaa Maye, oo garab ka helayay hay’ad farsamo oo hoos tagta Qaramada Midoobay.

Heyeeshee, sida ay odayaal degaanka ku dhqan u sheegeen Keydmedia Online, MW, DKGS, Cabdicasiis Laftagareen, Guddoommiyaha Barlamaanka Cali Saciid Faqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Abuukar Cabdi, ayaa qaab isir faquuq ah u badelay hannaankii hore, waxayna xaqooqdooda duudsiyeen beelo boqollaal sano ku noolaa Baraawe.

9 October, 2021, ayaa la guda galay hirgalinta doorashada boobka kuraasta ku saleysan, waxayna taasi sababtay in maleeshiyo beeleed ka mid ah qabiillada kuraastooda la dhacay ay duullaan ku qaadaan hoolkii ay doorashadu ka socotay, taas oo dhalisay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Si guud beelaha ku hadlka afka [Maxaa-tiri], ayaa magaalada ka dhigay bannaan-baxyo waaweyn, odoyaasha daqanka, siyaasiyiinta degaanka iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada ayaana ku baaqay in Dowladda Federaalka ka hor tagto colaadda sokeeye ee uu hurinayo Cali Saciid Faqi.

Beelaha Hawiye, oo muddo dheer ku dhaqnaa degaanka, dhul daaqsimeed iyo beereed baaxad lehna ku leh, ayaa tabanaya caddaalad-darro xooggan, kadib markii kuraasta la qeybsaday ay ka heleen Saddex kursi oo kaliya, Habargidir (1) Abgaal (1) iyo Hilabi (1), halka beesha Xildhibaan Cali Saciid uu ka soo jeedo ee Tunni ay heshay 15 kursi.

Odayaal dhaqan oo la soo xariiray, KON, ayaa cod dheer Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, uga dalbaday inuu soo faragaliyo boobka ka dhanka ah xuquuqda beelaha, isla-markaana wax ka qabto damaca guracan ee Fiqi, iyo heyb takoorka ka billowday Baraawe.

Sidoo kale, odayaashu waxa ay ka digeen colaado sokeeye oo dabadheeraada iyo beegsi gaar ah oo ka dhaca Baraawe, taas oo sababi karta in Xarunta Koofur Galbeed, ay lumiso marti galinta doorashada 26 kursi, oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo loo asteeyay in ay ka dhacdo magaaladaas.

KEYDMEDIA ONLINE   

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.