Muxuu yahay codsiga CC-Warsame u gudbiyay Canada?

Socdaalka Ergeyga ayaa ku qotoma sidii uu indhaha caalamka ugu soo jeedin lahaa baaxadda abaaraha ka jira dalka, wuxuuna hay’adaha QM ku wargaliyay in weli farqi weyn uu u dhaxeeyo deeqaha la ballan-qaaday iyo baahida bani’aadannimo ee jirta.

Warar Keydmedia Online
Muxuu yahay codsiga CC-Warsame u gudbiyay Canada?

OTTAWA, Canada -  Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Dowladda Canada kala hadlay sidii ay u kordhin lahayd deeqda looga jawaabayo gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Kulan uu Ergeygu magaalada Ottawa kula yeeshay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Canada Harjit Sajjan ayuu si weyn ugu boorriyay muhiimadda ay dadka abaaruhu saameeyeen u leedahay in Dowladdiisu sare u qaaddo deeqda abaaraha.

Egayga gaarka ah ayaa sidoo kale Dowladda Canada ka codsaday in ay Soomaaliya ka gacan siiso sidii Dawladaha iyo hay’adaha ay saamaynta ku leedahay iyo deeq-bixiyayaasha caalam-kaba loogu soo jeedin lahaa xaddiga abaaraha ka jira Soomaaliya.

Xildhibaanka iyo Wasiirku waxa ay isla meel-dhigeen in xoogga la saaro maalgelinta mashaariicda adkaysiga iyo ka soo kabashada, lana dhiso awoodda Dawladda, wuxuuna ergeygu la wadaagay  sida loogu baahan yahay mashaariic xasillineed oo degdeg ah.

Socdaalka Ergeyga ayaa ku qotoma sidii uu indhaha caalamka ugu soo jeedin lahaa baaxadda abaaraha ka jira dalka, wuxuuna hay’adaha QM ku wargaliyay in weli farqi weyn uu u dhaxeeyo deeqaha la ballan-qaaday iyo baahida bani’aadannimo ee jirta.

Ku dhawaad kala bar dadka Soomaaliyeed ayaa u baahan gargaar degdeg ah iyadoo 300,000 oo qof aya halis ugu jiraan macaluul haddii aan si degdeg ah loo garab istaagin, halka 54 boqolkiiba carruurta Soomaaliya la filayo in ay la kulmaan nafaqo-darro ba'an.

Warsame wuxuu deeq-bixiyeyaasha ugu baaqay in ay si buuxda u maalgaliyaan baaqa bini'aadantinimo ee Soomaaliya oo dhan $1.5 bilyan taasoo ku dhawaad 80% la maal-geliyay ilaa hadda iyo in diiradda loo saaro ka hor tagga macluul ka dillaacda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.