Muxuu yahay dhambaalka uu CCW gaarsiiyay Cumaan?

Ergayga ayaa uga waramay xaalada ba’an ee saamaynta abaaraha iyo sidii ay dawlada Cumaan gacan uga gaynsan lahayd gurmadka abaaraha. Cumaan waxay ka mid tahay dawladaha ugu badan ee dhoofsada xoolaha Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Muxuu yahay dhambaalka uu CCW gaarsiiyay Cumaan?

MUSCAT- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhanbaal qoraal ah oo uu ka siday MW Xasan Sheekh gaarsiiye Sultaanka Dawlada Cumaan.

Dhambaalka oo ku aadan gurmadka abaaraha dalka ka jira oo ergaygu u siday Sultan Haytham Bin Dhaariq, ayaa waxaa ka guddoomay Sayyid Shihab bin Tariq Al Said oo ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka gaashaandhiga Dawlada Cumaan.

Dhanbaal qoraal ah oo aan ka siday Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku aadan gurmadka abaaraha ayaan maanta gaarsiiye Sultaanka Dawlada Cumaan, Sultan Haytham Bin Dhaariq”. Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ergayga ayaa uga waramay xaalada ba’an ee saamaynta abaaraha iyo sidii ay dawlada Cumaan gacan uga gaynsan lahayd gurmadka abaaraha. Cumaan waxay ka mid tahay dawladaha ugu badan ee dhoofsada xoolaha Soomaaliya.

Guud ahaan Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalad abaareed oo aad u daran, iyadoo afar xilli roobaad baaqdeen lana hubin in la heli doono midka soo socda, taasoo sii murjineysa xaaladda dadka abaaruhu saameeyeen ee xilligaan gacan qabadka u baahan.

In ka badan 7.7 milyan oo qof ayaa si ba'an abaartu u wax-yeelleysay, qiyaastii 213,000 oo qof ay soo food saartay cunto yari daran, waxaa la sheegayaa in marxaladda abaaruhu u gudbeen macluul, xilli aan wali la helin gargaarkii loo baahnaa xilligaan adag.

Ergayga waxaa kulanka ku wehliyey sii haya safiirka Soomaaliya ee Cumman, Cismaan Axmad Maxamad iyo Ustaad Xasan Qorane oo ah la taliyaha ergeyga ee arrimaha carabta.

KEYDMEIDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.