Muxuu yahay qodobka aadka looga dooday Shirka Gollaha Wasiiradda?

Ra'iisul Wasaare Xamza ayaa gudoomiyay kulanka oo Khamiis kasta ka dhaca Xafiiskiisa, waxaana kasoo qeybgalay Wasiirro, ku-xigeenno iyo wasiiru dowliyaal.

Warar Keydmedia Online
Muxuu yahay qodobka aadka looga dooday Shirka Gollaha Wasiiradda?

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Gollaha Wasiiradda, ayaa Maanta ka duwanaa kuwii hore, iyadoo uu kusoo beegmaya xili dalka ka socdaan howlgallo Al-Shabaab looga saarayo meelaha ay ku harsan tahay.

Shirka ayaa si aad ah looga hadlay hawl-gallada dib-u-xoraynta, waxaana lagu bogaadiyay guulaha ay Ciidanka qalabka sida iyo dadka degaanku ka gaareen dagaalka ka socda qaybo badan oo ka mid ah Goballada dalka.

Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, ayaa wasaaradaha Difaaca iyo Amniga dalka looga dhagaystay Warbixinno ku saabsan howl-gallada, qorshaha sugidda amniga iyo xasillinta magaalooyinka laga xoreeyay Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in qorshaha Xukuumaddu yahay in guud ahaan dalka laga xorreeyo Al-Shabaab, islamarkaana degaan kasta oo la xoreeyey la gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada si deg deg ahna looga sameeyo maamul iyo kala danbayn.

Shirka Maanta ayaa kusoo beegmaya xili degaanka Xeel-Qooxle lagu dilay saakay Nabadoon Cilmi Hagar, oo kamid ahaa Odayaasha dhaqanka Beesha Xawaadle, oo sidoo kalena qeyb ka ahaa dagaalka.

Dagaalka ka socda Hiiraan, Galgaduud iyo Baay ayaa ah mid xoogan, oo la sameeyay guulo badan, oo ku aadan dib u qabashadda degaanno dhowr ah, oo mudo ka badan 10 sano ay maamulaysay Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.