MW Xasan oo 1,916 maalin kadib ku laabtay Villa Somalia

Madaxweynaha xilka ka sii dagaya Maxamed Cabdallaahi Farmaajo ayaa saaka kulan quraac ah Madaxtooyada Villa Somalia kula yeeshay Madaxweynaha la doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Warar Keydmedia Online
MW Xasan oo 1,916 maalin kadib ku laabtay Villa Somalia

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha dhawaan-galka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha 10-aad, booqashadiisii 1-aad ku tagay Madaxtooyada, halkaasoo saaka uu kulan quraac ah kula qaatay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xil wareejin isku diyaarinaya.

Sida ay Keydmedia Online, u sheegeen ilo loo qaateen ah, u jeedka kulanka ayaa ahaa is xog wareysi iyo soo dhoweyn, maadaama bartamaha todobaadka soo socdo la filayo in Madaxweynaha la doortay Xasan Sheekh Maxamuud si rasmi ah ula wareego xaafiiska ugu sarreeya dalka oo hadda Farmaajo ka sii xirxiranayo boorsooyinkiisa.

Farmaajo, oo muddo xileedkiisii sharciga ahaa ku darsaday in ka badan hal sano, ayaa hore u aqbaay natijada doorashada, wuxuuna durba howl-wadeennada xaafiiskiisa ku amray in ay xil wareejinta qaban-qaabiyaan una diyaar garoobaan bannaynta shaqada Madaxtooyada iyo Xaafiiska ay sharci darrada ku joogeen dhowr iyo tobanka bilood.

1,916 maalmood ayaa soo wareegtay, 16 Febraayo 2017, markaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh, Madaxtooyada ku wareejiyay Maxamed Farmaajo, waana ku laabashadiisii ugu horreeyay ee xaafiiska Madaxweynaha tan iyo markaas, inkastoo xilliyo kala duwan uu booqasho ku tagay xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha, gaar ahaan xilliga RW Rooble.

Dhanka kale, Madaxweynaha dooran, ayaa la filayaa inuu kulan wadajir ah dhawaan la qaato Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, ka hor inta aysan dib ugu laaban degaannada ay madaxda ka yihiin, maadaama ay dhamaantood arrimo la xariira doorashooyika Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha u joogeen Caasimadda.

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la rumeysan yahay inuu saameyn ku yeellan doono go’aanka uu Xasan Sheekh ku magacaabi doono Ra’iisul Wasaaraha, inkastoo ay durba billawdeen dadaallada siyaasiyiin Madaxweynaha ku degaan ah oo doonaya in xilkaas loo magacaabo shaqsiyaas ay iyago wadaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.