MW Xasan oo dib u billaabaya wada-hadallada Somaliland

Xasan Sheekh ayaa xusay doorka fududeynta iyo isu soo dhaweynta ah ee dowladda Turkigu ay ka soo qaataday wadahadalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland, kuwaas oo bilow fiican u ahaa xal u helidda tabashooyinka jira.

Warar Keydmedia Online
MW Xasan oo dib u billaabaya wada-hadallada Somaliland

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu guda gali doono howlaha ku aaddan dib u soo celinta wada-hadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka gooni isku taagga ah ee Soomaaliland.

Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka dhawaajiyay kadib kulan uu la qaatay danjirayaasha dalalka Turkiga iyo Norwey, Mehmet Yılmaz iyo Haakon Svane, kuwaas oo muujiyay in Dowladahoda ay ka go’an tahay in gacan ka geystaan dib u soo celinta wada-hadallada.

Xasan Sheekh ayaa xusay doorka  fududeynta iyo isu soo dhaweynta ah ee dowladda Turkigu ay ka soo qaataday wadahadalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland, kuwaas oo bilow fiican u ahaa xal u helidda tabashooyinka jira.

Wuxuu uga mahadceliyey Dowladaha Turkiga iyo Norway sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan dib u soo celinta wada-hadallada DFS iyo SL, waxa uuna xusay qorshihiisa qaran ee la xiriira Soomaali Heshiis ah, taas oo ay qeyb ka tahay xal u helidda tabashada.

Dhankooda, Wakiillada Gaarka ah ee Turkiga Aykut Kumbaroglu, Norway Heidi Johansen iyo diblumaasiyiinta dalalkaas ee uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa muujiyay sida ay Ankara & Oslo ula socdaan guulaha la gaaray tan iyo doorashadii bishii May 2022.

Wada-hadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka gooni isku taagga ah ee Soomaaliland ayaa hakad galay lixdii sano ee la soo dhaafay waxaana taas loo aaneynayaa in Farmajo is hor istaag ku sameeyay sii socoshada Wadahadallada labada dhinac.

KEYDMEDIA ONLIN

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.