MW Xasan oo gaaray M/Cali-gaduud iyo Nuur-dugle

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa adkeeyay in Dowaladdu ay sii wadi doonto dagaalka inta Al-Shabaab ay ku harsan yihiin meel ka mid ah dhulka Soomaaliya, waxa uuna intaas raaciyay in adeegga dowladnimada la gaarsiin doono deegaanada la xoreeyay.

Warar Keydmedia Online
MW Xasan oo gaaray M/Cali-gaduud iyo Nuur-dugle

CADALE, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo kormeeraya qaar ka mid ah degannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa maanta gaaray degaannada Masaajid Cali Guduud iyo Nuur-dugle ee gobolka Shabeelaha dhexe.

U-jeeddada safarka Madaxweynaha ayaa ah in uu dardargaliyo howlgallada gobolkan ka socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab, isla-markaana uu dhiirrigeliyo ciidamada Xoogga dalka iyo ciidamada degaanka ee dagaalka Kooxaha ka soo hor jeeda nidaamka Dowladnimada.

Madaxweynaha oo ku bogaadiyay Saraakiisha hooggaamisa ciidamada ee guulaha kasoo hooyay dagaalka ayaa adkeeyay in loo guntado criribtirka kooxahaas iyada oo laga duulayo qorshaha dalka looga saarayo Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

"Halkaan waxaan idin kugu imid in aan idinkaga mahadceliyo nafhurnimada iyo dhabar adeyga aad muujiseen, si aad dadkiinna uga dulqaaddaan heeryada kooxaha arxanka daran, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ciidamada iyo dadka degaanka.

“Dowladdiina iyo dadkiinuba waxa ay ku faraxsanyihiin kuna faanayaan guulaha aad ka gaarteen cadowga kaliya ee maanta dalkeennu leeyahay. Waa in aan waqti kooban ku gaarno degaanada kale ee ay weli dadkeenna ku dhibaateeyaan." Ayuu ku sii daray.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in degaanka Masaajid Cali Guduud iyo degaanada kale ee laga xoreeyay Al-Shabaab, si degdeg ah loo gaarsiinayo adeegyada aasaasiga ah sida Saldhigga Booliska, xarumaha Caafimaadka & Waxbarashada.

Safarkan Madaxweynaha waxaa ku wehliya Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hir-shabeelle, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo madax kale.

KEYDMEIDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.