MW Xasan oo hambalyo u diray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan maalinta xoriyadda dalkaas u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Warar Keydmedia Online
MW Xasan oo hambalyo u diray dalka Jabuuti

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan sanad-guurada 45-aad ee xornimada dalka Jabuuti u diray Madaxweynaha dalkaas, Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyey  dowladda iyo shacabka Jabuuti munaasabadda taariikhiga ah oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah dhaxalka ay wadaagaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, kana tarjumaysa halgan adag.

“Walaalaha Jabuuti, waxa ay maanta noo yihiin hiil aan ku tashanno. Waxaan idinla qeybsanaynaa munaasabaddan taariikhiga ah, anaga oo abaal idiin kaga hayna doorka walaalnimo ee aad ka qaadateen dib u dhiska dowladnimadeena”, Ayuu yiri MW Xasan.

Jabuuti waa dal walaal la ah Soomaalya, waxa ayna Faransiiska xornimada ka qaateen 27kii Juun 1977kii, waxa ay Dowladda Jabuuti shacabka Soomaaliyeed ka gacan siisay in ay dib u gagleelaan dowlanimadda hadda jirta 22 sano ka hor.

December 2011, Jabuuti waxay noqotay waddankii saddexaad ee ciidan ku deeqa AMISOM. Ciidamadaas oo gaarayay 960-askari ayaa la keenay gudaha dalka Soomaaliya, waxaana ay ka howlgalaan magaalada Beledweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha dalka Geelle ayaa 15-kii bishaan yimid Muqdisho, halkaasoo uu kaga qeyb galay caleema-saarkii Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo markii labaad loo doortay xilka ugu sarreeya Soomaaliya.

Shantii sano ee lasoo dhaafay, xiriirka Jabuuti iyo Dowladda Soomaaliya ayaa hoos u dhacay kadib markii Dowladdii hore u jeeddooyin gaar ah iyo dano siyaasadeed oo gooni ah u xumeysay cilaaqaadka labada dal xiriir dhowna la yeelatay Casmara.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.