Xasan oo haraadigii Farmaajo ka sifeeyay Villa Somalia

Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Xuseen Sheekh, wuxuu hore u soo noqday Sanatar ka tirsan Golaha Aqalka Sare, wuxuuna xubin sare ka yahay xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Warar Keydmedia Online
Xasan oo haraadigii Farmaajo ka sifeeyay Villa Somalia

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta la wareegay shaqada xafiiska Madaxweynaha, ayaa saacado kadib xil la wareegiddiisa, shaqada ka raacdeeyay saddex ka mid ah shaqsiyaadkii aadka ugu dhawaa Farmaajo oo uu ku jiro Fahad Yaasiin oo ku magacaawnaa la taliyaha amniga Madaxweynaha.

Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa loo magacaabay xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, kaasoo uu hore ugu fadhiyay Maxamed Cabdullaahi Ciise, oo aad ugu dhawaa Fahad Yaasiin, isla-markaana qeyb ka ahaa shaqsiyaadka gaara go’aannada ugu danbeeya ee Kooxda maanta banneysay Madaxtooyada Soomaaliya.

Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Xuseen Sheekh, wuxuu hore u soo noqday Sanatar ka tirsan Golaha Aqalka Sare, wuxuuna xubin sare ka yahay xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana xusid mudan inuu ugu horreeyay shaqsiyaad uu Lafta-gareen ka hor istagay,  u tartanka kuraas Baarlamaan.

Xuseen Sheekh wuxuu sanadkii 1982 ku dhashay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, waxbarashada aas-aasiga ah iyo Jaamacadda heerka 1-aadna waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho, Waxbarashada heerka Labaad ee Jaamacaddana (Master Degree) waxa uu ka diyaariyey Daraasaadka Horumarinta, wuxuuna hadda ku guda takhasusuka Phd-ga.

Sidoo kale, Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan ayaa loo magacaabay xilka Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, kaasoo uu hore ugu fadhiyay Cabdinuur Maxameed Axmed, oo qeyb ka ahaa shaqsiyaadkii falkinayay, mushkiladihii dalka ka aloosnaa shantii sano ee la soo dhaafay.

Maxamed Amiin, wuxuu ku takhasusay Horumarinta Dhaqaalaha, Maareynta Nabadda iyo Aammaanka Afrika, waxa uu hore u soo noqday Sanatar ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Golaha Aqalka Sare, halka uu soo noqday Safiir Ku-xigeenka safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Dhanka kale, xogo ay heshay KEYDMEDIA, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh, uu La Taliyaha Amniga Qaranka u magacaabay Xuseen Sheekh Cali [Xusee Macallin] oo horay xilkan u soo qabtay, labo muddo xileed, Xuseen, wuxuu madax ka yahay Machadka Daraasaadka Amniga ee Hiraal oo uu aas aase ka ahaa.

KEYDMEIDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.