MW Xasan oo ka hadlay xaaladdiisa caafimaad

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu hore u soo qaatay saddex tallaal, taasina ay u sahashay in caabuqu uusan wax xanuun ah iyo qandho daran ku yeellan, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is tallaalaan.

Warar Keydmedia Online
MW Xasan oo ka hadlay xaaladdiisa caafimaad

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka soo muuqday warbaahinta tan iyo markii laga helay Fayriska COVID-19, oo baaritaan lagu sameeyay 24-kii bishaan lagu ogaday inuu qabo Coronavirus, kadib markii uu dib uga soo laabtay dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha oo uu garab taagan yahay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa u jeediyey shacabka Soomaaliyeed farriin ku saabsan xaaladdiisa caafimaad, waxa uuna uga mahad-celiyey ducada iyo dareenka ay u muujiyeen muddadii uu u hoggaansanaa talooyinka bahda caafimaadka ee COVID-19.

Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu sheegay in labo baartitaan oo lagu sameeyay ay muujinayaan in laga waayey COVID-19, isla-markaana uu dib ugu laaban doona xafiiskiisa, isagoo wali muujinaya ka taxadarka habraacyada fayruska iyo talooyinka dhaqaatiirta ay siiyeen ee la xariira cudurkaan degdegga ku faafa ee Coronavirus.

“5 maalmood oo aan u hoggaansanaa habraacyada iyo talooyinka caafimaadka ee la xiriira COVID-19, waxaan shalay iyo maantaba maray baaritaankii ugu danbeeyey, oo natiijadiisu ay noqotay in la iga waayey COVID-19, sidaas awgeed, waxaan dib ugu laabanayaa xafiiska, si aan u sii dardar geliyo shaqadii qaran ee aad ii wakiilateen.” Ayuu yiri.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu hore u soo qaatay saddex tallaal, taasina ay u sahashay in caabuqu uusan wax xanuun ah iyo qandho daran ku yeellan, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is tallaalaan, si ay uga badbaadaan qatarta cudarka, kaas oo malaayiin ruux ku dilay adduunka saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadaha todobaadka xorriyadda, waxa uuna ku boorriyey in ay dhexda u xirtaan sidii ay u samata-bixin lahaayeen dadka dhibaateysan ee ay abaaruhu saameeyeen oo xilligaan u baahan garab istaag degdeg ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.