MW Xasan oo ka jawaabay eed xooggan oo loo jeediyay

Madaxweyne Xasan wuxuu mushkiladda qabiilka ku sifeeyay arrin dadka Soomaaliyeed ay xal u heli karaan oo aan u cuslays lahayn sida Al-Shabaab oo kale, wuxuuna siyaasiyiinta dareenka qabiil hubeynta muujiyay ugu baaqay in ay indhaha kala furaan.

Warar Keydmedia Online
MW Xasan oo ka jawaabay eed xooggan oo loo jeediyay

JABUUTI – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka jawaabay hadallo ay dhowr jeer Dowladda ku weerareen siyaasiyiin kala duwan kaas oo ah in Dowladdu ay hubeyneyso qabiillo gaar ahaan kuwa Hawiye.

Intii uu ku guda jiray khudbaddiisii shirkii madasha aragti wadaagga ee Heritage Madaxweyne Xasan ayaa iska fogeeyay eeddaas wuxuuna xusay in Dowladdu aysan marnaba ku talo galin inay hubayso qabaa’ilada hayeeshee ay ku baritaareyso dagaalka.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdiisu taageertay oo dhiirri galisay inay dadku kacaan oo degaanadoodii dib ugu laabtaan, si ay isaga dulqaadaan dhibaatada ay dhowr iyo tobanka sano ku hayaan kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab,

“Mushkilad qabiil waan soo marnay laakiin tanoo kale ma ahayn, wax la isbarbar dhigi karana ma ay ahayn,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheikh oo Al-Shabaab ku tilmaamay Kansar madaxa gala oo aan dawo lahayn oo u baahan in la cirirbtiro.

MW Xasan wuxuu sidoo kale mushkiladda qabiilka ku sifeeyay arrin dadka Soomaaliyeed ay xal u heli karaan oo aan u cuslays lahayn sida Al-Shabaab oo kale, wuxuuna siyaasiyiinta dareenka qabiil hubeynta muujiyay ugu baaqay in ay indhaha kala furaan.

Xasan wuxuu sheegay in waayihii Al-Shabaab soo idlaadeen, wuxuuna ku tilmaamay taariikh aan soo noqod lahayn, isagoo xusay in dadka Soomaaliyeed ay hor taallo in ay ka fakaraan sidii dowladnimada iyo guud ahaan dalka loo dhisi lahaa Al-Shabaab kadib.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.