MW Xasan oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hore cagaha u soo dhigay dhammaan dalalka gobolka ku yaalla sida; Ereteriya, Jabuuti, Kenya Sudan, South Sudan, iyo Uganda, wuxuuna hore u ballan muujiyay sida ay uga go’an tahay inuu heshiis kula naaloodo dalalka adduunka.

Warar Keydmedia Online
MW Xasan oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Itoobiya

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal dhammeystir u ah safarrada uu ku maray dhammaan dalalka Gobolka maanta ku tagay dalka Itoobiya, halkaasoo ay ugu billaabatay booqasho labo maalin ah.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa si ka duwan sidii ay Dowladdiisu u soo dhaweyn jirtay Madaxweynihii hore Farmaajo u soo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna uga  hor tagay garoonka caalamiga ah ee Bole oo ku yaalla Addis Ababa.

Labada masuul ayaa yeelan doona wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada dal, gaar ahaan xal u helidda caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadajirka u wajahayaan dalalkaan ku yalla gobolka geeska afrika.

Dhawaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa iska fogeysay wax-ka-ogaanshaha warbixin 6-dii September 2022 laga sii daayay Telefishinka Dowladda Itoobiya ee ETV, taasoo lagu muujiyay inuu liito xirriirka ka dhexeeya RW Itoobiya iyo MW Soomaaliya.

Warbixintaas oo si toos ah loogu gafay Madaxweyne Xasan, ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaas sheegtay in aysan ka turjumeyn siyaasadda Dowladda Itoobiya isla-markaana aysan waafaqsanayn xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Dowladood.

Socdaalkaan ayaa ku soo aadaya xilli ay Ciidan ka tirsan Militeriga Itoobiya ay billowgii bishii hore soo galeen gudaha Soomaaliya, isla-markaana ay Itoobiya sheegaty in ay fariisimo ciidan ka sameysan doonto gobollada Xuduudda la leh dalkeeda.

Markii uu meesha ka baxay Farmaajo oo ahaa saaxiibka Abiy Axmed, Itoobiya waxa ay isku diyaarisay in ay dib u soo celiso faragalintii Soomaaliya, Madaxweynayaasha Punland iyo Koofur galbeed ayaana booqashooyon aan qarsooneyn ku tagay gudaha Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh wuxuu dhawaan socdaal ku tagay dalka Masar oo Itoobiya isku yahaan muranka biyaha wabiga Niil, halka uu garabka ku dhiftay Isbaheysigii Saddex geesoodka ahaa ee Abiy, Afwerki iyo Farmaajo yabyabeen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hore cagaha u soo dhigay dhammaan dalalka gobolka ku yaalla sida; Ereteriya, Jabuuti, Kenya Sudan, South Sudan, iyo Uganda, wuxuuna hore u ballan muujiyay sida ay uga go’an tahay inuu heshiis kula naaloodo dalalka adduunka.

MW Xasan Sheekh ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in dalalka Gobolku ay mideeyaan dadaalladooda ku aaddan dabar-goynta Al-Shabaab oo caqabad ku ah xasilloonida geeska Afrika iyo horumarinta hannaanka iskaashi ee labada Dowladood.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.