MW Xasan oo ku wajahan dal kale oo ku yaalla Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Uganda waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee faa’iidada u leh labada waddan, Kampala ayaana siyaabo kala duwan u marti galisa kumannaan ruux oo Soomaali ah.

Warar Keydmedia Online
MW Xasan oo ku wajahan dal kale oo ku yaalla Afrika

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadka soo socda dib u billaabi doona safarradiidii bogga dhayidda ahaa ee uu  ku tagayay dalalka wadashaqeynta joogtada ah kala dhaxaeyso Soomaaliya.

Sida ay muujinayaan xogo soo gaaray xafiiska warqabadka Keydmedia Online, MW Xasan ayaa u socdaali doona magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha waddaankaas Yoweri Museveni.

Safarka Xasan Sheekh ayaa la qorsheeyay kadib ansixinta Golaha Wasiirrada kuwaas oo aan wali la hor geyn Baarlamaanka, lana filayo in la meel-mariyo maalmaha soo socda, inkastoo xildhibaanno aan tiro badneyn ay saluugsan yihiin hab xulidda Wasiirrada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Uganda waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee faa’iidada u leh labada waddan, Kampala ayaana siyaabo kala duwan u marti galisa kumannaan ruux oo Soomaali ah.

Dalka Uganda ayaa ahaa dalkii ugu horreeyay ee ciidamo ugu deeqa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ciidamadii ugu horreeyay ee howlkaka tirsan ayaa horaantii 2007 yimid waddanka, askartii ugu horeeyay ee kasoo degay Muqdisho ayaa ahaa kuwa Uganda.

ATMIS ayaa ka kooban Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya, oo sidoo kale hore uga tirsanaa AMISOM, ku dhawaad 22,000 oo askari ayaa dalalkaas ka jooga Soomaaliya, hayeeshee, sida muuqata iyagoo aan guulo la taaban karo gaarin ayay bixi doonaan.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya waa hawlgal, nabad ilaalin goboleed oo ay hawlgeliso Midowga Afrika iyada oo oggolaansho laga helay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaase xilliyo kala duwan lagu eedeeyay gabood-fallo xoggan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu hore ugu safray dalalka, Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti, Masar iyo Tansaaniya, safaka Uganda ayaana noqon doona midkiisii 8-aad isagoo aysan wali u buuxsamin boqolkiisa maalmood ee ugu horreya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.