Xasan oo xilal u magacaabaya shaqsiyaad caan ah

MW Xasan Sheekh, oo hore daadka u raacsiiyay shaqsiyaad aad ugu dhawaa Farmaajo oo ay ku jiraan Fahad Yaasiin iyo Cabdinuur, ayaa la filayaa inuu saacadaha soo aaddan Cabdirashiid Duqa iyo shaqsiyaad kale ka xaaqo Villa Somalia.

Warar Keydmedia Online
Xasan oo xilal u magacaabaya shaqsiyaad caan ah

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu dhawaan magacabo xilal cusub oo ay ugu horreeyaan Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada, Afhayeenka Madaxtooyada iyo Agaasimaha rasmiga ah ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Qaranka.

Sida ay tibaaxayaan xogo hoose, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada ayaa loo wadaa in loo magacaabo Cabdulqaadir Cali Dige, oo ahaa Wariyihii GUNDHIG, ee sanadihii la soo dhaafay mucaaradka ku ahaa kooxdii Farmaajo ee maalin ka hor ka huleeshay Villa Somalia, waana shaqsi aqoon fiican u leh warbaahinta casriga ah.

Sidoo kale, waxaa jira warar aan xoogganeyn oo sheegaya in Faysal Muuse, oo hore u soo noqday Tifaftiraha Telfeshinka Qarnaka [SNTV], loo wado xilkaas, hayeeshee, waraka Dige la xariirinaya ayaa ka buuran, waxaana meesha laga saari karin inuu shaqsi kale  ku soo bixi karo magacaabidda Madaxweynaha saacadaha ugu danbeeya.

Dhanka kale, Afhayeenka Madaxtooyada ayaa la filayaa in loo magacaabo Cabdikariim Cali Kaar, kaasoo xilli soo noqday Guddoomiyaha degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, kana soo shaqeeyay warbaahin madax-bannaan oo kala duwan, sanadihii danbana aad ugu dhawaa Abshir Bukhaari oo saaxiib la ah Xasan Sheekh.

Cabdirashiid Maxamed Xaashi, [DUQA], oo ka mid ahaa adeegayasha Farmaajo ee sanadihii la soo dhaafay, ayaa ku magacaawnaa Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada JFS, wuxuuna ugu horreeyaa shaqsiyaadka saacado ka dib la tusi doono albaabka looga baxo guriga looga taliyo dalka ee Villa Somalia.

Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Qaranka, ayaa sidoo kale ka mid ah xilalka isha lagu hayo saacadaha soo aaddan, waxaana jira warar sheegaya in loo magacaabi doono midkood, Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad iyo Wasiir hore Axmed Macallin Fiqi, kuwaas oo ka mid ah shaqsiyaadka aadka ugu dhow Madaxweynaha.

Taliyaha Nabad-sugida Gobolka Banaadir, ku dhawaad 10 Agaasime Waaxeed ee Madaxtooyada Qaranka, hoggaanka Booliska, Militariga iyo Asluubta, Guddoonka Gobolka Banaadir, Guddoonka Hay’adaha Maaliyadda iyo qeyb ka mid ah Garsoonka iyo xilal kale, ayaa dhankooda la magacaabi doonaa maalmaha foodda nagu soo haya.

KEYDMEDIA ONLINE   

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.