MW Xasan Sheekh oo booqasho ku tagaya gobolka Minnesota, USA

Booqashadaas ayaa sidoo kale daba socotay shir madaxeedka Mareykanka iyo Afrika. waxaa marti ku ahaa-Madaxweyne Barack Obama.

Warar Keydmedia Online
MW Xasan Sheekh oo booqasho ku tagaya gobolka Minnesota, USA

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in dabayaaqada bishan uu booqasho ku tago magaaladda Minneapolis, ee gobolka Minnesota, oo ah meel Soomaalida aad ugu badan tahay.

Xasan Sheekh ayaa khudbad u jeedi doono jaaliyadda Soomaaliyeed, oo ku ucasuumay madal ka dhacaysa xarunta shirarka ee Minneapolis.

Waan ku faraxsanahay inaan martigelinno mudane Xasan Sheekh 15-ka December," ayay tiri Ifraax Cabdullaahi, oo kamid ah qabanqaabiyeyaasha booqashada madaxweynaha.

Xasan ayaa booqan doona Minneapolis ka dib safar uu ku tagayo Washington, halkaas oo Madaxweyne Joe Biden uu ku martigelinayo Shir Madaxeedka Mareykanka iyo Afrika inta u dhexeysa 13-ka illaa 15-ka December. Waxaa la filayaa inay ka soo qeybgalaan Hogaamiyaasha Midowga Afrika iyo 49 dal oo lagu casuumay oo ay ku jirto Soomaaliya.

Xasan ayaa horay u soo noqday madaxweynaha Soomaaliya intii u dhaxeysay 2012 ilaa 2017 ka hor inta uusan ku guuleysan xilli kale oo uu xafiiska la wareego May 2022. Booqashada Convention Center ayaa noqoneysa safarkii ugu horreeyay ee madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago Minneapolis tan iyo 2014.

Booqashadii 2014 ayaa sidoo kale daba socotay shir madaxeedka Mareykanka iyo Afrika ee uu marti-geliyay Barack Obama.

Khudbaddii uu sannadkii 2014-kii ka jeediyay Jaamacadda Minnesota’s Northrop Auditorium, ayuu Xasan ku boorriyay bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota inaysan lacag u ururin kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay waalidiinta inay carruurtooda ka fogeeyaan kooxda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.