Naafada xooga oo taageertay Farmaajo

Muqdisho(keydmedia) Ciidamada Naafada xooga ee ku nool isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta dhigay dibad bax ay ku taageerayaan R.wasaaraha kalsooni siinta lagu muransanyahay.
Warar Keydmedia Online

Cabdi mahad Cali oo ah afhayeenka Naafada ayaa ka dalbaday xildhibaanada baarlamaanka in si deg deg ah ay ku ansixyaan R.wasaaraha oo uu isaga ku tilmaamay inuu yahay shaqsi dhamaantood ka wanaagsan oo u diyaarsan daryeelka shacabka.

Dibad baxan taageerada ah ayaa yimid  kadib markii shalay xafiiskiisa uu kulan kula qaatay Farmaajo xubno ka tirsan naafada xooga dalka ee ku nool magaalada Muqdisho.

Codsiyada ku aadan ansixinta Mr Farmaajo ayaa dhawaantanba ahaa kuwa soo tixin, wallow xildhibaanada ay yihiin kuwa aanba u dhag heyn baaqyada ka soo yeeraya shacabka Soomaaliyeed.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.