KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Waxaa goor dhaw lagu dilay magaalada Muqdisho Nabaddoon caan ka ahaa magaalada, iyadoo aan la ogeyn sababta loo dilay nabaddoonka.
MUQDISHO, Soomaaliya - Alle ha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho lagu dilay Nabaddoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdulahi Ciise Hilowle oo ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed.
Kooxda dilka geysatay ayaa goobta isaga cararay, iyadoo wax yar kaddib ay soo gaareen halka uu falku ka dhacay ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.
Inta badan xilliyada kala guurka ah waxaa soo bata dilalka Nabaddoonada, iyadoo kooxaha isku haya siyaasadda iyo kooxda Al-Shabaab ay isku si ugeystaan falalka lagu beegsado Nabaddoonada.
Hayeeshee ma jirto koox sheegata dilalka Nabaddoonada, marka laga reebo kooxda Shabaab oo Nabaddoonkii ay kusoo eedeeyaan inuu dowladda la shaqeeya ay dil ku xukumaan, meeshii lagu arkana lagu dilaa.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.