Nabadoon kasoo baxsaday Al-Shabaab

Waxaa Maanta lagu soo bandhigay degaanka Furqaan ee katirsan goobihii dhawaan lagala wareegay Al-Shabaab, ee duleedka degmada Aadan Yabaal.

Warar Keydmedia Online
Nabadoon kasoo baxsaday Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya - Saciid Xuseen Raage, oo ahaa Nabadoon mudo la shaqeyn jiray Al-Shabaab ayaa kasoo baxsaday Kooxda, kadib markii uu ogaadey inuusan ka baxsanaynin Ciidanka.

Waxa uu xiriiro lasoo sameeyay xubno katirsan Kooxda Macwiisleey, oo u fududeeyay isku soo dhiibitiisa Ciidanka dowladda, iyadoo loo gudbiyay hay'adaha amniga oo baaris ku sameynaya.

Masjidka Cali Gaduud iyo Guulane ayuu ka howlgali jiray Nabadoonka, oo Al-Shabaab u qaabilsanaa aruurinta xoolaha Beesha uu kasoo jeedo, waxaana shaqadan ku qaadan jiray lacag bil walba.

Kornayl Xasan Dhicisow, Taliyaha Booliska HirShabeelle ayaa joogay Goobta lagu soo bandhigay Nabadoon Saciid, oo sheegay in uu soo baxsaday kadib markii nolosha duurka u adkaysan waayay.

Al-Shabaab ayaa laga saarey magaaladda Aadan Yabaal Todobaadkii tagey, iyadoo hadda dagaalyahanadeeda ay u carareen dhulka howdka ah, oo Ciidanka dowladda maalinba meel qabsanayaan.

Gobolka Shabeellaha Dhexe wuxuu ahaa meel laga soo abaabulo qaraxyada ka dhaca Muqdisho, maadaama uu deris la yahay, waxaana hadda la filayaa in qabashadda Aadan Yabaal wax ka bedesho xaaladda Caasimadda.

Aadan Yabaal ayaa 245-KM dhanka waqooyi uga beegan Muqdisho, waxaana dhawaan booqday Ra'iisul Wasaare Xamza, oo lasoo kulmay Saraakiisha Ciidanka iyo dadka degaanka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.