Nabadoon Caan Ah oo lagu dilay Kismaayo

Kismaayo (KON) - Kooxo ku hubeysanaa Bastoolado ayaa Xalay ku toogteen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose Nin kamid ahaa Nabadoonada ugu caansanaa Jubbooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo.
Warar Keydmedia Online

Nabadoon Axmed Sheekh ayaa lagu dilay Xaafada Via Afmadow xili uu kasoo laabtay Salaada una socday Gurigiisa.

Lama oga Cida Dishay Nabadoonkaan laakiin Dilalka Qorsheysan ayaa ayaantaan kusoo badanayaan Kismaayo.

Xaalada Kismaayo ayaa ah mid kacsay ayadoo Dilalka tan iyo markii Ciidamada Dowlada, Maleeshiyaadka Raaskanbooni iyo kuwa Kenya ey soo galeen Magaalada.

Nabadoon Axmed sheikh ayaa Saakay lagu Aasi doonaa Magaalada.

Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.