KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Nabadoon Xaad ayaa waxaa uu ugu horeen sheegay in laga gudbay Xilligii sida Xooga aheyd Xukun lagu raadinayay, haatana la marayo heerka ay Caalamka ku doortaan Madaxdooda hogaaminayaan.
"Haddii aan hadal ka geesanayo arimaha Jubooyinka ugu horeyn kooxda uu Hogaaminayo Axmed Madoobe waxaan Dhahayaa raali noqda, Sidaasina Maamul laguma noqdo, oo waalaga soo gudbay Xilligii Xukun lagu raadinayay Xoog iyo qori caaradii, haadana waxaa la isku doortaa sida caalamka ay u Dooranayaan Madaxdooda” ayuu yiri Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad.
Gudoomiye Maxamed Xasan Xaad ayaa ugu danbeentii Baaq u Diray Kooxda Axmed Madoobe oo sheeganayaan in ay haatan yihiin Maamulka Jubbaland, iydoona uu ugu Baaqay in ay Dowladda Soomaaliya kaga danbeeyaan qaban qaabada Maamul u sameynta Goboladaasi ayna Doorashada ka soo qeyb galaan haddii ay hogaamindeeda doonayaan.
Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.