KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Ciidamadu ay heleen xog ku saabsan in horjoge C/nuur Gacmoole “Gardhuub” oo ah Ninka la Dilay iyo Maleeshiyaad uu watay ay hub ku heysteen Xaafad ka mid ah Muqdisho, Ciidamaduna ay ku soo Qabteen Kooxdaas Hawlgalo ay ka wadeen Degaankaas.
Ninkan la Dilay ayuu sheegay Taliye Ereg inuu isku dayey in uu la Dagaalamo Ciidamada ka dibna la Toogteen Ninkaas.
C/risaaq Ibraahin Salaad oo ka mid ah dhallinyaradii la soo qabtay ayaa sheegay in maleeshiyaadkaani ay gurigiisa hubka dhigan jireen, hadii aan kadiidi lahaana waa ay idili lahaayeen sidaas waxaa yiri C/risaaq I. Salaad.
Keydmedia.Net
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.