KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ciidamada nabadsugidda Soomaaliya ayaa sheegeen in ay Maleeshiyaad farabadan soo qabqabteen oo ay ku jiraan Horjoogayaal, inkastoo aysan sheegin Magacyadooda.
Howlgalkano oo xalay Saqdii dhexe Ciidamada Nabadsugida ay ka sameeyeen Hoteelo yar yar ah oo ku yaala suuqa Bakaaraha ayeey ku soo qabqabteen ilaa iyo 27 dhagarqabaal ah oo ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab kuwaas oo mid ka mid ah uu yahay Ajnabi.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay shegeen in 26 Somali ah iyo nin Ajnabi ah oo Al shabaab inuu ka bar bar dagaalamayey la sheegay hadda gacanta dawlada ku jiraan walaw faah faahino badan aan la bixin karin.
Ciidamada ayaa saqdii dhexe ee xalay si xeeladeysan mar qura ugu daatay gudaha Hoteeladaasi, kadib markii la helay macluumaad ku aadan in dhagarqabayaashaasi ay ku jiraan hoteeladaasi.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.