Nacaybka dadka Soomaalida oo kusii kordhaya Turkiga

Soomaalida ayaa shantii sano ee ugu dambeysay aad u gashay Turkiga, iyagoo ka kala yimid dalka iyo dibaddiisa, waxayna ku sameyeen maalgashig xooggan.

Warar Keydmedia Online
Nacaybka dadka Soomaalida oo kusii kordhaya Turkiga

ANKARA, Turkey - Milkiilayaasha maqaayadda SAAB Cafe ee ku taallay xaafadda Kızılay ee magaaladda Ankara, Muhammed Isa Abdullah iyo Messi Karakaya, ayaa 16-kii bishan ku dhawaaqay in ganacsigoodii la xiray xilli ay socdeen weeraro cunsuriyad iyo nacayb ku saleysan oo ka dhan ah dadka Soomaalida ah.

Booliska Turkiga ayaa beegsi ku haya Ganacsiga Soomaalida, iyadoo sidoo kale ay billaabeen inay dadka Soomaalida ah waydiiyaan aqoonsiga dal ku-joogga [Iqaamadda], taasoo horey aan u jirin.

Weerarada iyo xeritaanka Maqaaxiyadaha Soomaalida leeyihiin ee ku yaalla Ankara, ayaa kordhay kadib markii wargeys cunsuri ah ka qoray warbixin ku magac-dilayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Booliisku waxay calaamadda SAAB Cafe ku rinjiyeen midab cad, sababtuna waxay tahay in midabada ku xardhanaa ee cagaarka, jaalaha iyo casaanka "ay xasuusinayaan urur argagixiso."

Waxaa intaa dheer, Abdullah oo kamid ah Mikiiliyaasha ayaa la xiray Sep 20 dib markii amar masaafurinta loo soo saaray, inkastoo markii dambe la sii daayay Oct. 25.

Soomaalida ayaa shantii sano ee ugu dambeysay aad u gashay Turkiga, iyagoo ka kala yimid dalka iyo dibaddiisa, waxayna ku sameyeen maalgashig xooggan.

Kumanaan arday ah iyo dad kale oo Caafimaad u raadsada ayaa sanad walba aada Turkiga, balse hadda waxaa muuqata in albaabkaas uu soo xirmayo, sababtoo ah Soomaali nacaybka sii kordhaya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.