KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Gudoomiyaha maamulka gobolka ahna duqa muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu kasoo baxay kaalintii uga aadaneed hirgalinta Layrarka ku shaqeeya Cad-ceedda Qorraxda ee la gaarsiinayo wadada Sodonka ee magaalada Muqdisho.
Tarsan ayaa ka dalbaday masuuliyiinta degmooyinka ee ku dherersan tahay wadada Sodonka iyo shacabka ku dhaqan degmooyinkaas iney kasoo baxaan kaalinta uga aaddan Nalalka la galinayo wadadaas.
Gudoomiyaha ayaa sheegay Nalalkaan in ay qayb weyn ka qaadanayaan bilicda iyo waliba horumarka magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay maamulka uu rajaynayo in uu gaarsiiyo dhamaanba magaalada.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa hore Layrarka ku shaqeeya Cad-ceeda uga hirgaliyey wadooyinka wadnaha iyo Makka al-mukarama oo ka mid ah halbowlayaasha magaalada Muqdisho.
Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.