Sababta geeridda Cali Khaliif oo la shaaciyay

Wararka ayaa sheegaya in Ra'iisul Wasaarihii hore uu la xannusanaa cudurka COVID-19 labadii maalmood ee ugu dambeeyay.

Warar Keydmedia Online
Sababta geeridda Cali Khaliif oo la shaaciyay

JIGJIGA - Warar dheeraad ah ayaa kusoo kordhay sababihii geerida Cali Khaliif Galayr, iyadoo la shaaciyay natiijadda baaritaanka lagu sameeyay meydka oo la geeyay Isbitaal ku yaalla Jigjiga.

Isagoo la hadlayay Warbaahinta, Mukhtaar Khaliif oo ah Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in Cali Khaliif uu u dhintay cudurka Coronavirus-ka, taasoo lagu ogaadey baaritaankii ay sameeyeen dhaqaatiirta.

Baaritaanka ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in la sumeeyay Cali Khaliif, waxaana Madaxweyne Mustafe Cagjar magacaabey gudi baaritaanka, kaasoo ugu dambeyn ku dhawaaqay in COVID-19 ay tahay sababta geerida Mas'uulka.

Keydmedia Online ayaa heshay xog hoose oo sheegaysa in Cali Khaliif markii uu ku dhacay Cudurka Coronavirus-ka uusan helin wax daryeel caafimaad ah, iyadoo aan laga warqabinna uu neef-qabatoobey kadibna qolkii uu deganaa ku naf-baxay.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabey gudi diyaariya aaska Cali Khaliif, oo la filayo in Muqdisho la geeyo, si maamuus qaran loogu sameeyo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.