Natiijada Imtaxaanka fasalka 12aad oo la shaaciyay

Wasaaradda waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliay ayaa ku dhawaaqday natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee Dowladdu sanadkaan ka qaaday ardayda dhameysatay daraasaadka fasalka 12-aad.

Warar Keydmedia Online
Natiijada Imtaxaanka fasalka 12aad oo la shaaciyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya, ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 12-aad ee sanad dugsiyeedka 2021-2022.

Sida ay sheegtay Wasaaraddu, 33,468 arday ayaa u fariistay imtixiinka, 32,325 arday ayaa gudubtay halka ay 1,143 ay u suura gali weysay in ay gudbaan (Dhacay), taasoo ka dhigan sanadkii ugu dhicitaanka yaraa.

Ardeyda Sanadkaan Imtaxaanka u fariistay intooda badan waxa ay ku galeen Gobalka Banaadir kuwaas oo tiradooda ay gaareyso, 23,702 arday, tirada ka baastay ayaa gaareysa 22,602,  halka 1,100 dhaceen.

Maamulka Puntland ayaan ka qeyb galin Imtixaanka, xilli Wasaaradda Waxbarashadu ay sheegtay in ay wax ka badashay hannaankii hore ee imtaxaanka loo sixi jiray, 60% lagana dhigay 50%. (Baasid & Dhicid).

Hoos ka aqriso xogta Imtixaanka.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.