Nin tacaddi kula kacay gabdho yaryar oo xabsiga la dhigay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gen. Zakiyo Xuseen ayaa sheegtay in dadka degaanku suura-galiyeen in eedeysanahu galo gacanta ciidanka kadib markii ay soo gudbiyeen xogtiisa iyo halka uu ku sugan yahay oo uu maandooriyaha ku siinayay gabdaha.

Warar Keydmedia Online
Nin tacaddi kula kacay gabdho yaryar oo xabsiga la dhigay

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada ammaanka ee degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa  xabsiga u taxaabay nin saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada ku baahinayay muuqaallo uu ka duubay gabdho uu siiyay wal-xaha maaka dooriya.

War ka soo baxay laamaha ammaanka ee Dowladda ayaa lagu sheegay in Taliska Ciidanka Booliska degmada Kaaraan ay gacanta kusoo dhigeen xalay saqdii dhexe Xuseen Xasan Gaabow kaas oo ku eedeysan tacaddiyo uu u geystay gabdho aan qaangaar aheyn.

Ninkan oo muuqaallada gacantiisa isaga duubay ayaa soo dhigay aaladda Tiktok iyada oo ay dhinac joogaan gabdho aad u yar yar oo uu siiyay maandooriye una muuqda kuwo miir ahaan maqan,  taas ayaana keentay in dadku ka carroodaay dalbadaanna in la soo xiro.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gen. Zakiyo Xuseen ayaa sheegtay in dadka degaanku suura-galiyeen in eedeysanahu galo gacanta ciidanka kadib markii ay soo gudbiyeen xogtiisa iyo halka uu ku sugan yahay oo uu maandooriyaha ku siinayay gabdaha.

Magaalada Muqdisho waxaa sare u kacay dhallinyarada sida ba’an u qabatimay isticmaalka maadooriyayaasha nuucyadooda kala duwan, kaliya wiilal maaha, gabdhaha ayaa sidoo kale qeyb ka ah,  waxaana yar tallaabooyinka ay Dowladdu ka qaaddo arrinkaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.