Nin watay Waxyaabaha Qarxa oo Galabta lagu toogtay Baydhobo

Baydhobo (Keydmedia) - Wararka laga helayo magaalada Baydhobo ee Xaruunta Gobolka Baay ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Saacadihii ugu danbeeyay ay Ciidamada dowladda KMG ay ku toogteen Gudaha Magaaladaasi Nin la sheegay in uu watay Waxlaha Qarxa.
Warar Keydmedia Online

Taliyaha Saldhigga Booliska ee Magaalada Baydhabo Adan Biid, ayaa u sheegay Warbaahinta in Ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ee ku sugan Magaaladaasi  ayaa Saacadihii u dambeeyay ay toogteen Nin  watay Waxyaabaha  qarxa oo  doonayay in uu ku qarxiyo Goob ay inta badan isahu yimaadaan oo ku taalla Bariga magaaladaasi.

Taliyaha ayaa sheegaya in ninkaani uu ka tirsanaa Kooxda Al Shabaab islamarkaana Ciidamada dowladda ay dhaq dhaqaaqiisa la socdeen sida uu hadalka u dhigay inta uusan kusoo dhowaan Goobta bartilmaameedka u ahayd,taasi oo u sahashay Ciidamada inay ka hortagaan Weerarkaasi.

Aadan Biid ayaa tibaaxay inay jiraan Rag kale oo ka tirsan Kooxda Al Shabaab oo doonayaan in falal Argagaxisonimo ay ka gaystaan Gudaha Magaalada, hase ahaatee Ciidamada ay ka hortagayaan. 

Maalmihii dambe ayaa Ciidamada DKMG iyo kuwa Amxaarada ah ee ku sugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxa ay wadeen Howlgallo Ammaanka lagu xaqiijinayo oo ka dhan ah Kooxda Al Shabaab.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.