Waa kuma baddelka Al-Zawahiri ee Soomaaliya yimid?

Wuxuu lahaa figraddii lagu aas aasay xarun tababar oo Al-Qaacida ka hirgelisay degaanka Raas Kambooni oo u dhow xadka Kenya, kadibna wuxuu u socdaalay Afgaanistaan ​, xilligaas ka hor wuxuu ka qeyb qaatay dagaalkii Soofiyeedka ee 1980-meeyadii.

Warar Keydmedia Online
Waa kuma baddelka Al-Zawahiri ee Soomaaliya yimid?

MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib markii la xaqiijiyay geerida hoggaamiyihii Al-Qaacida, Ayman Al-Zawahiri, waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu xilkaas la wareegi doono Seyf Caadil oo ka mid ah dagaalyahanno ajaanib ah oo dagaallamay Soomaaliya 90-meeyadii.

Caadil oo sidoo kale loo yaqaan Maxamed Ibrahim Makkawi, wuxuu u dhashay dalka Masar, sida uu ku sheegay waraysi uu 2005-tii siiyay Al-Qudus al-Carabi, Caadil wuxuu tan iyo dabayaaqadii 1980-aadkii ku hawllanaa dhaqdhaqaaqyo iyo abaabul argagaxiso.

Makkawi, wuxuu ka mid aha raggii ka danbeysay qaraxyadii safaaradaha Mareykanka ee Afrika (Kenya & Tanzania) ee dhacay 1998-dii, wax yar kadib wuxuu u soo tallaabay Soomaaliya si uu u abaabulo kooxo hubeysan oo la dagaallama ciidankii Mareykanka.

Mohamed Odeh oo ka mid ahaa raggii weeraray safaarada Maraykanka ee Kenya bishii Ogosto 1998-kii ayaa u sheegay FBI-da, in 1993-kii uu Seyf Caadil ku amray inuu aado Soomaaliya si uu isugu xiro qabaa’ilka deegaanka, una tababaro ciidankooda.

Wuxuu lahaa figraddii lagu aas aasay xarun tababar oo Al-Qaacida ka hirgelisay degaanka Raas Kambooni oo u dhow xadka Kenya, kadibna wuxuu u socdaalay Afgaanistaan ​, xilligaas ka hor wuxuu ka qeyb qaatay dagaalkii Soofiyeedka ee 1980-meeyadii.

Wuxuu xilli ka mid ahaa ilaalada gaarka ah ee Osama Bin Ladin, wuxuu si weyn ugu takhasusay walxaha qarxa, sida xogaha la xariira muujinayaan waa kaadir wajiyo badan, kasoo ka soo dagaallamay dhowr waddan haddana aad ugu dhawaa Al-Zawahiri.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.