NISA: Al-Shabaab ayaa dishay Ikraan Tahliil

Hadalka NISA ayaa imaanaya xili Hooyadeeda ay sheegtay inay rumeysan tahay Gabadheeda in aan ku jiran gacanta Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
NISA: Al-Shabaab ayaa dishay Ikraan Tahliil

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda NISA ayaa soo saartey war-qoraal ah oo ay ku shaacisay in Ikraan Tahliil ay dishay Kooxda Al-Shabaab xili cadaadis badan uu saarnaa Fahad Yaasiin.

NISA ayaa sheegtay inay kiiska Ikraan oo la weysanaa tan iyo 26-kii June ay ku sameysay dabagal muddo socday, kadib ay ku heshay warbixin inay Gabadhan gashay gacanta Al-Shabaab kadibna ay dileen.

Waxay NISA intaasi ku dartay in gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan Qoyskeeda.

Hadalka NISA ayaa imaanaya xili hooyada dhashay Gabadhan oo ahayd qofkii ugu horeeyay maqnaashiyaheeda daboolka ka qaadey ay u sheegtay VOA in aysan Gabadheeda ku maqneyn meel aah Nabad Sugida ka ahayn.

Ikraan waxay xog badan ka heysay dhalinyaradii loo diray Eritrea, oo weli soo laaban, iyo kiiska dilkii AUN Eng Yariisow oo gacan yare u ahayd mudadii uu joogay xafiiska duqa Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.