NISA oo baaris ku billowday shaqaalaha rayadka

Baaritaannadaan ayaa billawday kadib markii dabley ka tirsan Al-Shabaab ay dhawaan 22 saac ka dagaallamayeen hotel Villa Rays oo ku yaalla darbiga Madaxtooyada, isla-markaana ay siyaadday digniinta la xariirta khataraha amni ee ku wajahan Villa Somalia.

Warar Keydmedia Online
NISA oo baaris ku billowday shaqaalaha rayadka

MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ay Keydmedia Online u sheegeen saraakiil amni oo lagu kalsoon yahay, hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa baaritaan dhanka amniga la xariira ku billowday shaqaalaha rayidka ee Dowladda Federaalka.

Saraakiisha xogta nala wadaagay ayaa xaqiijiyay in saaka xilli hore baaritaan iyo su’aalo shaqsiyadeed lagu billaabay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta halkaasoo ay ka howl-galaan dhowr boqol oo u badan dhallinyaro ay hore u wareysatay hay’adda NISA.

Sidoo kale xogtu waxa ay muujineysaa in baaritaaanku gaari doono dhammaan Wasaaradaha kale ee Dowladda, xilli hore loo xasuusto in dhowr jeer baaritaanno kala duwan lagu sameeyay shaqaalaha Madaxtooyada Saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

Baaritaannadaan ayaa billawday kadib markii dabley ka tirsan Al-Shabaab ay dhawaan 22 saac ka dagaallamayeen hotel Villa Rays oo ku yaalla darbiga Madaxtooyada, isla-markaana ay siyaadday digniinta la xariirta khataraha amni ee ku wajahan Villa Somalia.

Warsidaha KON ayaa hore u baahiyay in afar bil ka hor inta badan shaqaalaha rayidka laga mamnuucay in ay gawaaridooda ku wataan jidadka gala Madaxtooyada Soomaaliya, halka ay KON fahansan tahay in hore xabsiga loo dhigay qaar ka mid ah ilaalada Villa Somalia.

Baaritaanka hay’adda NISA ku billowday shaqaalaha Dowladda aya lagu sifeeyay mid lagu xaqiijinayo amniga xarumaha iyo madaxda Dowladda, laguna ogaanayo shaqsiyadda shaqaalaha iyadoo la weydiinayo cidda wakiilka ka ah iyo Xildhibaankiisa.

Dad badan ayaa rumeysan in laamaha kala duwan ee Dowladda ay ku dhex jiraan xubno si toos ah iyo si dadban-ba ula shaqeeya Al-Shabaab isla-markaana ka caawiya xogta una fududeeya weerarrada ay geystaan, sida weerarkii shakiga badan abuuray ee Villa Rays.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.