NISA oo burburisay Shabakad Al-Shabaab ah

Warbixin ay daabacday Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa lagu sheegay in ciidamada Ammaanku ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, hubkoodii iyo Mooto Bajaaj ay ugu talagaleen inay ku baxsadaan marka ay dhibka gaystaan.

Warar Keydmedia Online
NISA oo burburisay Shabakad Al-Shabaab ah

MUQDISHO, Soomaaliya – Tan iyo markii hoggaanka hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka loo dhiibay Mahad Maxamed Salaad, waxaa xoogeystay howl-gallada maalin-laha ah ee hay’addu ku beegsaneyso Kooxda Al-Shabaab.

Sida lagu baahiyay warbaahinta afka Dowladda ku hadasha, Ciidanka NISA, ayaa xalay burburiyay Shabakad Al-Shabaab ah oo ku dhuumaalaysaneysay suuqa weyn ee Bakaaraha, kuwaas oo xilligaas ku howllanaa fulinta falal amni darro.

Warbixin ay daabacday Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa lagu sheegay in ciidamada Ammaanku ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, hubkoodii iyo Mooto Bajaaj ay ugu talagaleen inay ku baxsadaan marka ay dhibka gaystaan.

“Ciidamada Ammaanka ayaa howlgalkaan sameeyay ka dib markii ay heleen xogo dhamaystiran, waxaana wali jira dhagar qabayaal ka tirsan Argagixisada oo baxsad ah kuwaasi oo ay ku daba jiraan ciidanka ammaanka”. Ayaa lagu yiri warka.

NISA ayaa laba jibaartay beegsiga ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab kadib markii uu meesha ka baxay Nidaamkii Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Faray, kuwaas oo hore loogu eedeeyay in ay garab iyo gacan midig u ahaayeen kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

Howlgallada Sirdoonka waxaa barbar socda, howlgallada Ciidanka Xoogga dalka oo garab ka helaya dadka Shacabka ah, kuwaas oo ku dhawaad saddexdii bilood ee la soo dhaafay si weyn uga socday qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka.     

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.