KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Qoysaskan ayaa baahiyaha la xiriira dhanka nolasha waxaa ka dabooli jiray Haweenka uu iyagu ahaa kuwa Qaadka iibiya laakiin dhibaatada ayaa timid kadib markii maamulada ka taliya deegaanadaasi ay mamnuuceen in haweenku qaadka ay ka ganacsadaan.
Inkastoo Haweenka laga joojiyay iibinta qaadka ayaa hadana waxaan jirin wax shaqa ah oo loogu badalay taasina waxa ay sababtay in nolal adag oo ciriiri ah ay madaxa la galaan qoysaska Nolashooda ay qaadka ku tiirsaneed.
"Waxaan qaadka ka biili jiray iskuuna uga dhiibi jiray 7 caruur ah oo aabahood uu dhintay isla markaana aanay jirin cid gacan igu siisa korintooda, hada iskuul iskaba dhaafe ma hayo xitaa wax aan nooli ahaan u siiyo" sidaa waxaa tiri mid ka mid ah Haweenkii qaadka iibin jiray oo codsatay in aan magaceeda la adeegsan.
Qeyla dhaantan ka soo yeertay dumarka qaadka iibiya ayaa waxa ay timid kadib markii maamulka ka taliya halkaasi uu gabi ahaanba mamnuucay ka ganacsiga qaadka.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.