Nuur Cadde oo Muqdisho ku laabtay & Ujeedka Laabashadiisa

Muqdisho (KON) - RW hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen (Nuur-cadde) ayaa Maanta oo Axad ah dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo Warar kale duwan ay kasoo baxayaan Socdaalkiisa.
Warar Keydmedia Online
Nuur Cadde oo Muqdisho ku laabtay & Ujeedka Laabashadiisa

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo Garoonka Adan Cadde kula hadlay Warbaahinta ayaa ka war bixiyay Ujeedada uu u yimid magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in Casuumaad uu ka helay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab.

Wasiiro, Xildhibaano, Guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab), Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo xubno kale ayaa Nuur Cadde kusoo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Nuur Cadde ayaa ku biiraya Xubno horey u soo noqday Ra’iisul Wasaariyaal & Wasiiro Xukuumadihii KMG ahaa ee dalka soo maray, sida Cali Maxa’ed Geedi & Cumar C/rashiid Sharmarke kuwaasi oo Dowladda Federaalka horey u dhaliili jiray, balse hadda si hoose ula shaqeeya.

Nuur Cadde wuxuu sheegay in Muqdisho uu u yimid in Bisha Ramadaan shacabka Soomaaliyeed uu kula soomo si nabad galyo ah, isaga oo Shacabka ugu baaqay in dowladda Federaalka Soomaaliya la taageero.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.