KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Kulanka oo qaatay saacado badan ka dib ayaa xogta la helayo waxay sheegaysaa in qodobada leesku fahmi waayay ay labada dhinacba ku heshiiyeen in ay dib u dhigtaan oo mar kale laga wada hadlo.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Faroole ay isku fahmiwaayeen arimo ay ka mid ahaayeen Maamul u samaynta Jubooyinka iyo Shirka London.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku celiyey in dawlada federaalka ay horey go’aan u gaartay kaasoo ah in dhammaan gobolada dalka ee aan hadda maamulada lahayn loo sameeyo maamul heer gobol oo shaqeeya lix bilood, uguna baaqay Faroole in uu Faragelinta ka joojiyo Arimaha Jubbooyinka.
“Siyaasadda iyo dowlad dhisidda Soomaaliya wada-tashi iyo wada-xaajood iyo wada-hadal ayey ku imaaneysaaye qori iyo dagaal iyo colaad ku iman mayso”. Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Faroole ayaa dalbaday in sidii ay uga qeybgaleen Shirkii 2012 ee London ka dhacay ay haddana uga qeybgalaan Shirka 7-da bisha May ka dhici doona London iyagoo ah maamul goboleed ajendihiisa wata, hase yeeshee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa taasi ku tilmaamay mid soocelineysa isbarbaryaacii horey Soomaalida uga dhex jiray.
Dawlada federaalka maadaama ay bixineyso casuumaada Shirka, waxay ku adkeysatay in Shirka London looga qeybgalayo hal wafdi oo Soomaali ah, xubnaha Maamulka Puntland ay ka mid noqdaan wafdiga dawlada federaalka.
C/rixmaan Faroole ayaa sidoo kale wuxuu si aad ah dood kaga keenay Dastuurka wuxuuna sheegay in ay jiraan qodobo badan oo lagu heshiiyay oo Dastuurka laga saaray.
"Waa hawl noo qabsoontay oo aan Muran ka taagneeyn, waxaa dhiman oo harsan Hawl badan oo lo baahanyahay in dastuurka lagu qayaxo, si taas lagu dhameystiro waa in wadatashiga la fidiyo oo ay dhamaan ka soo qeybgalaan Bulshada Soomaaliyeed oo ay sida tooskaa Arintu u TABANEYSO." Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheikh.
Keydmedia Online xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.