ODAWAA: Wiilkii Farmaajo oo fashilinaya Xasan Sheekh

Taliyihii hore ee Danab Ismaaciil Cabdimaalik oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidanka dhawaan gacanta ku dhigay degaanka Waxbo ee gobolka Galgaduud ayaa warbaahinta u sheegay in Taliska CXDS ay amreen in ciidanku ka baxaan Wabxo.

Warar Keydmedia Online
ODAWAA: Wiilkii Farmaajo oo fashilinaya Xasan Sheekh

CEELBUUR, Soomaaliya – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odawaa Yuusf Raage ayaa billaabay bixinta awaamiir uu ku dhabar jabinayo dagaallada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka. (Gamudug & Hirshabeella)

Todobaadkii hore Odawaa ayaa faray saraakiisha Ciidanka XDS ee ku sugana degaannada ku xeeran degmada Aadan Yabaal in ay ciidanka dib ugu celiyaan Cadale, taaso oo sababtay in ciidanku kala jabo, qeyb ka mid ah saraakiisha ayaa diiday amarka Odawaa.

Ciidamo ay hoggaaminayaan saraakiil beel hoosaad la ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo ciidamada degaanka ayaa hadda ku sugan degaanka Nuurdugle, waxaana dib uga baxay ciidanka XDS oo kuwa gaarka ah ee Danab qeyb ka yihiin.

Taliyihii hore ee Danab Ismaaciil Cabdimaalik oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidanka dhawaan gacanta ku dhigay degaanka Waxbo ee gobolka Galgaduud ayaa warbaahinta u sheegay in Taliska CXDS ay amreen in ciidanku ka baxaan Wabxo.

Degaannada uu amray Odawaa in dib looga baxo ayaa ah kuwa istaraatiiji ah, marka la eego xoreynta Ceelbuur iyo Aadan Yabaal. Degaannadaas maalmo badan ayay qaadatay in ay gacanta soo galaan dagaallo kharaar kadib ayaana laga saaray Al-Shabaab.

Sidoo kale Odawaa Yuusuf Raage wuxuu hore Ciidankii Dowladda ee gacanta ku dhigay degaanka Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud ku amray in ay dib ugu laabtaan Dhuusamareeb, taas oo keentay in dhammaan howlgalkii qorsheysnaa fashilmmo.

General Odawaa wuxuu qeyb ka ahaa Taliskii Ciidanka ee sida dhow ula shaqeyneysay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin kuwaas oo aan maalin qura ogollaan in  dagaal lala galo Kooxda Al-Shabaab, haddana aan guul u ogollayn Dowladda hadda talada heysa.

Dhanka kale, saraakiil kaalin muuqata ku lahaa ciidankii Badbaado Qaran ee Farmaajo u diiday muddo kordhintii April ayay xogohu sheegayaan in ay diideen in ay la shaqeeyaan Odawaa iyo Biixi oo billowgii sanadkii hore kula dagaallamay Muqdisho.

Dhawaan ayaya aayd markii saraakiil Ciidan oo la hadlay KON ay Jeneraal Biixi ku eedeeyeen inuu iska dhigayo Jeneraal uu dhab ka yahay dagaalka, hayeeshee uu u jeedkiisu yahay sidii uu han-jabin lahaa kacdoonka shacabka ee ka curtay Hiiraan iyo Galgaduud.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.