Oday dhaqameed lagu dilay duleedka Muqdisho

Lama oga sababta loo dilay odayga, balse waxay Al-Shabaab mudooyinkii dambe beegsi ku haysay ergadii soo dooratay Xildhibaanadda baarlamaanka hadda waqtiga ka dhamaadey.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Nabadoon caan ah ayaa maanta lagu diley deegaanka Ceelasha Biyaha oo kuyaala duleedka magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, kadib markii dabley hubeysan ay weerareen xaflad aroos oo uu ka qeyb galayay.

Axmed Siidow ayaa waxaa la toogtay galinkii hore ee shalay, waxaana dilkiisa geystay rag hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ,kuwaasoo ku guulaystay in ay si deg deg ah u baxsadaan weerarka kadib kahor inta aysan Ciidamada amaanku soo gaarin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.