KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Odayaasha ayaa sheegay in muddo kororsiga uu sababi karo khalalaaso siyaasadeed, ayna doonayaan doorasho waqtigeeda ku dhacdo.
Muqdisho, Soomaaliya – Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye oo maalinimadii shalay aheyd shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saaban xaalada dalka iyo walaaca laga qabo in doorasho waqtigeeda ku dhici weyso.
Odayaasha ayaa markii hore soo dhaweeyay qodobadii laga soo saaray shirkii Dhuusamareeb, iyagoona ka mahad celiyay gogosha ay fidisay dowlad goboleedka Galmudug ee lagu gaaray in dalka ka dhaceyso doorasho wada ogol laga yahay.
Sidoo kale odayaasha ayaa sheegay in dalka lagu wada joogo shuruuc heshiis lagu wada yahay, taasoo ah in afartii sanaba mar doorasho la qabto, islamarkaana la dhowro nidaamka dowliga ah, iyagoona sheegay in hadii taa la sameyn waayo dalka loo horseedi karo bur-bur, iyo khalalaaso siyaasadeed oo dib u dhac keeni karo.
“Waxaan rabnaa ummadda Soomaaliyeed fowdo wax macnaa kuma lahan, sharciga iyo nidaamka dowliga ah ayaa lagu kala adagyahay ee lama kala xoog badna, waxaan soo jeedineynaa in dalkaan arrimihiisa, wada-tashigiisa, dowladnimadiisa in wada ogol lagu dhameeyo.” Ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha oo goobta ka hadlay.
Guddoomiyaha odayaasha Beelaha Hawiye nabadoon Xasan Xaad oo shirka ka hadlay ayaa aad ugu nuux-nuuxsaday ka hadalka qodobka doorashada, isagoona maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ugu baaqay in doorashada waqtigeeda ku dhacdo, si wadanka xasilooni uga sii jirto, aana loo horseedin jahwareer siyaasadeed.
“Dowladda iyo dowlad goboleedyada labadaba waxaan ka codsaneynaa doorashada ineysan waqtigeeda dhaafin, si wadanku xasiloonidiisa u jirto, khalalaaso siyaasadeed aanu u dhicin, iska hor imaad looga nabad galo, sidaas ayaan ku talineynaa anagoo ah dhaqankii Soomaaliyeed, samadoonadii iyo wanaaga kuwii jeclaa,” ayuu yiri Nabadoon Xaad oo kulanka ka hadlay
Gonaanadkii shirkaan ay yeesheen dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa laga soo saaray war-murtiyeed dhowr qodob ka koobnaa, kaasuu warbaahinta la wadaagay Garaad Yuusuf, waxaana ka mid ahaa qodobadii ka soo baxay:
Waxaa isi soo tarayo baaqyada nabadeed ee looga digayo dowladda haatan uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo in ay sameyso muddo korosi, kaas oo la sheegay in uu dalka u keeni karo khal-khal siyaasadeed oo dib u dhac sababa.
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.