Odayaasha dhaqanka Hawiye oo garab istaagay RW Rooble

Odayaasha dhaqanka beelasha Hawiye oo Rooble ku taageeray go’aankii uu xilka kaga raacdeeyay Fahad Fahad Yaasiin.

Warar Keydmedia Online
Odayaasha dhaqanka Hawiye oo garab istaagay RW Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayay ku soo dhaweeyeen go’aankii uu Ra’iisul Rasaare Rooble shaqada uga joojiyay agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Waxaa kale oo ay ka arrinsadeen sida masuuliyad xumida leh ee uu Farmaajo kaga falceliyay go’aankii Rooble, iyaga oo sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday uu qaadi doono masuuliyadda ka dhalata isku day walba oo looga hor imaanayo amarka Ra’iisul wasaaraha.

Go’aankii uu qaatay Rooble ayay ku tilmaameen mid ay ku dheehneyd geesinimo iyo masuuliyad oo lagu badbaadiaayay dadka iyo dalkaba.

In qoyska Ikraan Tahliil ayay helaan caddaalad oo sharciga la horkeenaa cid kasta oo ku lug leh ayay ka dalbadeen Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tageero iyo bogaadin kaga imaaneysaa bulshada qeybaheeda kala duwan, iyaga oo og masuuliyad xumida kooxda Farmaajo ee shirqoolidda shaqaalaha dowladda.

Halkan hoose ka daalaco bayaan ka koobnaa shan qodob oo ay odayaashu dhaqanka beelaha hawiye soo saareen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.