KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Mid ka mid ah odayaasha ka soo jeeda deegaanka Cadaado oo lagu magacaabo Daahir Xirsi Cabdi ayaa sheegay in Ciidamada Ahlu-suna kolkii ay galeen degmada in ay halkaasi ka geesteen biliiliqo xoogan taasoo hanti shacab lagu gurtay.
Daahir ayaa ka dalbaday ciidamada Ahlu-suna saraakiishooda iyo guud ahaan madaxdooda in ay raali galin buuxda ka bixiyaan falalkii lagu waxyeelay shacabka reer cadaado.
Ma jiro mas’uul ka tirsan kooxda Ahlu-suna oo ayiday ama eedeynta loo soo jeediyay ee la xiriirta in dhac hanti dadweyne ay ka geesteen ciidanka Ahlu-suna degmada Cadaado ee gobalka Galguduud.
Dhanka kale waxa maanta ka dhacay gudaha degmada cadaado dibad bax looga cabanayo dhibaatadii shalay goobta ka dhacday oo kale in ay soo laabto, waxaana dhanka kale afhayeenka ahlu-sunna Abuu-yuusuf Al-qaadi uu ku hanjabay in ay dib ula wareegi doonaan deegaanka cadaado.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.