Olole xilka looga tuurayo Lafta-gareen oo Muqdisho ka socda

Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa olole ballaaran, kaas oo ka dhan ah hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed.
 

Warar Keydmedia Online
Olole xilka looga tuurayo Lafta-gareen oo Muqdisho ka socda

MUQDISHO, Soomaaliya- Cabdi-casiis Lafta gareen oo ay hore kursiga Koonfur galbeed u saaren kooxdii waqtigoodu dhamaaday ee ay hor boodayeen Farmaajo iyo Fahad, ayaa iminka la qorsheynayaa sidii mamulkaas looga eryi lahaa.

Siyaasiyiinta ololahan wada ayaa sheegaya, inuu galay gabood falo kala duwan mudadii ay talada hayeen Farmaajo iyo xulafadiisa.

Lafta-gareen qudhiisa ayaa qal qalkan dareemaya, waxaana labo u kala qeybsan ciidamada ku sugan Koonfur Galbeed, kuwaa oo badankood diyaar u ah in xukunka laga eryo Lafta-gareen.

Qorshaha xilka looga tuurayo Lafta-gareen ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya qurbo joog ka soo jeeda deeggaana uu ka arrimiyo maamulkaas, waana kuwa soo shubaya dhaqaale fara badan, si meesha looga saaro, ninkan ku takri falay masuuliyadii loo idmaday.

Lafta-gareen ayaa ka mid ahaa xubnaha daacada u ah Farmaajo iyo Fahad, kuwaa oo dhiig ku daadiyey sidii uu u hanan lahaa kursiga uu maanta ku fadhiyo.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.