KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Prof: Cabdi Ismaaciil, wuxuu ka mid ahaa aqoonyahannadii, sida weyn kaga digay isla-markaana si weyn kaga soo horjeestay fidnooyinkii ay maleegayeen kooxda Farmaajo.
MUQDISHO, Soomaaliya - Doorashada Kursiga Saddexaad, ee kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi, ayaa goordhow, soo gabagabowday, waxaana xubin ka tirsan Aqalka sare loo doortay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.
Kursigaan waxaa ku tartamayey Prof Maxamed Maxamuud Alla-bari, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali, waxaana ugu danbeyn ku guuleystay Prof Samatar.
Samatar, wuxuu ku dhashay 1956 magaalada Gabiley ee Somaliland. Waa walaalka aqoonyahanka iyo siyaasiga caanka ah Axmed Ismaaciil Samatar.
Intii u dhaxaysay dabayaaqadii 1980-meeyadii ilaa horraantii 1990-meeyadii, Samatar wuxuu bare ka ahaa Jaamacadda Iowa. Markii dambe wuxuu ku biiray Jaamacadda Minnesota, isagoo u ahaa barafasoor juqraafi iyo guddoomiyaha waaxda juqraafiga ee machadka.
Wuxuu qoray dhawr buug oo xuddun u ah dimuqraadiyadda iyo horumarka Geeska Afrika iyo dunida soo koraysa.
Prof: Cabdi Ismaaciil, wuxuu ka mid ahaa aqoonyahannadii, sida weyn kaga digay isla-markaana si weyn kaga soo horjeestay fidnooyinkii ay maleegayeen kooxda Farmaajo.
Dhanka kale, Wasiirka Dastuurka dowladda federaalka Soomaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa isna loo doortay xubin baarlamaan, wuxuuna ka adkaaday Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare, Ibrahim Iidle Suleymaan.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.