Puntland oo iclaamisay dagaal ka dhan ah Somaliland

Somaliland ayaa qabsatey Caasimada Sool ee Laas-Caanood sanadkii 2007, waxaana xiligaas kadib ay kusii siqeysay magaaladda Garowe, xarunta Puntland.

Warar Keydmedia Online
Puntland oo iclaamisay dagaal ka dhan ah Somaliland

BOOCAME, Soomaaliya - Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u iclaamiyay dagaal ka dhan ah Somaliland, kadib markii maalmo kahor lagala wareegay degmada Boocame, ee gobolka Sool.

Taliyaha Ciidanka Difaaca dawladda Puntland, Gen. Abshir Cabdi Jaamac (Abshir London), ayaa sheegay in degaanada dagaalka lagula wareegay ay qoriga caaradiisa kusoo ceshan doonaan.

Wuxuu intaasi ku darey inay Puntland u diyaar-garowdey dagaal ay dib ugu xoreynayso gobolka Sool, oo in badan oo kamid ah ku ku jira hadda gacanta maamulka Gooni Isu-taagga Somaliland.

Hadalkan ayaa sheegay kadib markii Ciidamada Somaliland ay la wareegeen degmada Boocame, ee gobolka Sool, oo qiyaastii 70-KM u jirta magaaladda Garowe, ee xarunta Puntland.

Somaliland ayaa qabsatey Caasimada Sool ee Laas-Caanood sanadkii 2007, waxaana xiligaas kadib ay kusii siqeysay Caasimadda Puntland, waxaana tani ka dhalan karta dagaal qaraar.

Waxyar kadib doorashadii Farmaajo 2017, Somaliland ayaa qabsatay Tukaraq, oo duleedka Laas-Caanod ku yaalla, waxayna xiligaas kahor tageysay inuu Farmaajo gobolka booqdo.

Hadda la wareegista Boocame waxay Somaliland ku doonaysa inay uga hortagto inay degmada ka dhacdo doorashadda Gollaha degaanka Puntland sanadka 2023 laga qaban doono.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.