Dagaal ka dhacay Buuraha Galgala

Muqdisho (KON) Maamulka Puntland ayaa guulo ka sheegtay dagaalo ka dhacay Buuralayda Galgala dagaaladaasi oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo waliba ciidamada maamulkaasi.
Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay Buuraha Galgala

Taliyaha ciidamada maamulka Puntland ee Buuraha Galgala Jaamac Siciid Warsame (Afgaduud) ayaa sheegay in howlgal qorsheysan ay ku qaadeen Shabaabka Buuraha Galgala ku jira.

Sidoo kale Taliyaha ciidamada maamulka Puntland ee Buuraha Galgala ayaa sheegay in goobta ay weerarka ku qadeen ciidankooda ay kala wareegeen Shabaab,islamarkaana iminka ay ku sugan yihiin.

Afgaduud ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu sii socon doono isla markaana Al-Shabaab ay ka saari doonaan ciidamada Puntland dhamaanba deegaanada maamulkaasi uu ka arimiyo.

Ilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalada ka dhacay deegaanada Buuralayda ah ee Galgala ee gobalka Bari.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.