KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Axmed Shariif ayaa sheegay in inta u dhaxeysa Magaalada Gaalkacyo iyo Deegaanka Docol ee Barriga Gobolka Mudug lagu soo daadiyey Suntaasi Kiimikadaa.
Wasiirka Caafimaadka ayaa intaa ku daray hadlkiisa in ilaa Saddex Gaari oo ah Nuuca Soomaalidu ay u taqaan Candho Meydka ay Sunta Keeneen islamarkaana Gaadiidkaasi laga leeyahay Deegaanada Maamulka Puntland.
“Dadka ku nool Degaanka Docol ayaa nagu wargaliyey Sunta Goobta la keenay, Dadka waan oga dignay in halkaasi ay tagaan, waayo waxaa ka dhalan karta Qatar weyn” Ayuu yiri Wasiirku.
Axmed Shariif ayaa Arrintaasi ku eedeeyey Maamulka Puntland.
Waa markii ugu horeysay ee la sheego in Sunta Kiimikadaa lagu soo daadiyo Deegaanada uu ka taliyo Maamulka Galmudug ee Xeebta ka baxsan.
Keydmedia Online – Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.